2124 Views

QM Oo Baaq u Dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya

QM Oo Baaq u Dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 54, 2017—Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Dowladda ku booriyay in ay dib u eegista soo socota ee IMF 2018 ay ka dhigaan mid hufan sida tii 2017 ka oo guul muhiim ah ay ka soo gaartay W.Maaliyadda Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Aduunka ee  IMF ayaa qiimeysay waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyado la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay ‘mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka maaliyadeed ee W.Maaliyadda 2017ka.

Warkaan oo lagu shaaciyay Bogga Xasiiska UN ka ee Soomaaliya ayuu Michael Keating ku tilmaamay guul usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed tilaabadii Wasaaradda Maaliyadda ee aheyid in la hagaajiyo maamulka maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka W.Maaliyadda XFS Dr C/raxmaan Ducaale ayaa horaantii Bishaan Shir uu Nairobi kula yeeshayMasuuliyiin ka socotay Hey’adda Lacagta Aduunka oo shirkoodii kadib ay IMF soo saartay Warbixin ay ku xaqiijineyso Kalsoonida Soomaaliya ee Maaliyadda Dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment