2139 Views

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka war bixiyay howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo ka war bixiyay howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017— Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab,bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo qiimeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo baahiyaha dhanka ciidanka ay qabaan.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab cabsi xoogan ay ku reebtay howlgalada ay qaadayaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB,kuwaasoo saldhigyadooda ku weerara Saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgaladaan Al-Shabaab ay ku qasbeen iney noqdaan baxsad iyo khilaaf dhexdooda hareeyay,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee howdka ugu jira ciribtirka Kooxda Nabad diidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ka hadlayay bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in mar waliba ay qasab tahay in ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya loona baahan in aan isku tashano lana tayeeyo Ciidamada Qaranka.

” Ciidamada AMISOM marka hore waxay ahaayeen Nabad ilaaliyaal (Peace Keaping) balse hadda waxay yihiin nabad dhaliyeyaal,taasina waxaa keentay xaalada dalka ka jirta,waxayna AMISOM ku howlgalaan Mandate,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qiray in qiimeyn lagu sameeyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed muujineyso iney jiraan baahiyo badan oo dhanka ciidanka ah ay qabaan Xoogga dalka Soomaaliya,islamarkaan Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaasi jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay amaanka guud ee dalka ugala wareegaan AMISOM marka uu waqtiga joogitaankooda Soomaaliya uu idlaado.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment