2358 Views

Dowladda Gaasiro ee hadda Jirta Waa Ka Liidata Dowladii Qabyo ee Ka Horeysey

Dowladda Gaasiro ee hadda Jirta Waa Ka Liidata Dowladii Qabyo ee Ka Horeysey
____________________________________________________________________________

Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay balankabax qabasho doorasho qof iyo cod ah, taas oo bedelkeedana codsi dheereyn ah lagu dalbaday kororsiimo, wuxuu isaguna meesheedi ka sii wadey sidii ay ku socotey wax ka qabasho la’aanta xujooyinka ku hor dadban doorashada…


May 26, 2020 | QOL | by Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) –  Hanaanka sii wadida (continuity) heerka ay ka soo gaartey meelmarinta hawlaha waxqabadka waa bud-dhig lagama maarmaan u ah in halkeeda laga sii wado meesha ay mareyso ka sii ambaqaadideeda, islamarkaana dadaalada sii wadida lagu lamaaniyo isbedel dhab ah oo dhaliya koboc iyo korukac ku yimaada meshi laga soo dhaqaaqay. Heerka koriinka horumarka oo si sare u kaca waxaa dhaliya wadajirka lamaanaha isku dabran ee (continuity & change), kuwaas oo si is xigxigta oo is dabayaal iskula falgelaya. Hawl wadid sii socodkeedu uusan dhalineyn wax isbedela waa gaasirnimo ay ku dhumeyso wakhti oo ay wehliso gabaabsi halisteeda wadata. Sidoo kale isbedel aan lahayn meel uu wax ka sii wado ma keenayo koboc horumarineed, balse wuxuu dhaliyaa jahwareer qas ku abuura hanaanka meelmarinta loo raacayo socodsiinta hawlaha la fulinayo. Isbedel kasta waxaa hareer socda heerar joogteyn ah oo midba midka ka dambeeya ka dheer yahay sare u kaciisu. Ma jirto waxaan ku soconeyn heerer iswada oo joogteyntoodu ay ku dhex dhafan yihiin isbedelo saameyn ku yeesha kobocooda. Wakhtiga iyo noloshuba waxey labaduba tusaale u yihiin iney si isdabjooga ugu socdaan heerar kala duwan oo hawlahoodu si joogteyn leh loo sii wado, iyagoo si talanteela u sameeya isbedelo keena koriimo, duugnimo, iyo cimilooyin is wada dhaafsan.

Mw Farmaajo xiligii uu musharaxa ahaa 2017 wuxuu fikir wadaag la ahaa 22 Musharax oo aragtidoodu ka soo horjeedey hogaamiyeyaashii xukuumada markaas xilka haysey oo aragti ahaan aaminsanaa hanaanka sii wadida qabyotirka hawlihii xukuumada Qabyo (continuity), meesha musharixiinta mucaaradka ahayd ay rumeysnaayeen in hanaanka sii wadidu ay u baahan tahay isbedel (continuity & change), hindisahaas oo mucaaradku heshiis qoran ku wada gaareen. Waxaa xigey in Mw Farmaajo iyo kooxdii maalgelintiisa u gaar ahayd ay soo dhisteen xukuumadooda danaha shaqsiyaadkooda raacsan, melena ay iska dhigeen afkaartii uu heshiiska kula ahaa mudane Farmaajo musharixiintii saaxiibtinimadu ku kulmisay mucaaradnimada. Waxaa musharixiintii talowadaaga la ahayd mudane Farmaajo amakaag iyo yaab ku noqotay kadib markii ay arkeen dhan walba sida ay dowladda Farmaajo u qaaday dhabihii xukuumadii ka horeysey oo fikir ahaan iyo ficil ahaanba raacday hanaanka sii wadida wax walba heerka ay horay u joogeyn iney ku sii hayaan (continuity), inkasto oo ay joogteyntoodu ku hayeen heerar ka hooseeya meeshii ay gaarsiisneyd dowladii ka horeysey ee Qabyo:

  1. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dhagxaan jidadka lagu wada gooyey oo loogu talagalay iney sugaan amniga, meesheedii ayuu ka sii wadey oo weliba meel ka daran ayuu sii gaarsiiyey oo heerkeedu ka sii hooseeyo kii hore, kaba sii darane waxey madaxda dowladu macaash wadaag la noqotay ganacsiga mashruuca dhagaxdaas (continuity without change).
  2. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay muran dacwadeed oo Soomaaliya kala dhexeysa Kenya oo qeyb ka mida dhul badeedka Soomaaliya xoog ku heysata, meesheedii ayuu ka sii wadey meel ka sii liidatan waa gaarsiiyey heerkeeda, kaba sii darane hanjabaada Kenya oo cabsigrlisey hantida kenya ka taala madaxda soomaaliyeed waxey keentay in laga aamuso oo aan la horjoogsan codsiyada Kenya ay dib ugu dhigeyso dacwada (continuity without change).
  3. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay maamul goboleedyada dalka oo hantida qaranka si laaluusha loogu soo saaro musharaxiinta ay wadato madaxda dowladda dhexe, wuxuuna meesheeda ka sii waday habraacaas oo weliba uu sii raaciyey dhiig ku data kuraasta ay musuqa ku fadhiisiyeen musharixiintooda (continuity without change).
  4. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay garsoor aan dhameystirneyn oo ay ka maqan yihiin gudiga madaxbanaan ee garsoorka iyo maxkamadii dastuurka, wuxuuna meeshaaedi ka sii waday sidii ay ahayd oo weliba meel ka sii liidata gaarsiisey musuqa garsoorka, kadib markii uu dad ay xidi wadaag yihiin jagooyin badan ku soo buuxiyey (continuity without change).
  5. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay balankabax qabasho doorasho qof iyo cod ah, taas oo bedelkeedana codsi dheereyn ah lagu dalbaday kororsiimo, wuxuu isaguna meesheedi ka sii wadey sidii ay ku socotey wax ka qabasho la’aanta xujooyinka ku hor dadban doorashada, wuxuuna damacsan yahay inuu isaguna ku dhawaaqo inuusan doorasho qof iyo coda qaban karin, islamarkaasna uu dalbanayo wakhti kororsi (continuity without change).
  6. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dastuur qabyo ah oo aan dhameystirneyn, wuxuuna meesheedii ka sii wadey qabyo ku haynta dastuurka si uusan kitaabkaas yar u dabrin danahiisa siyaasadeed (continuity without change).
  7. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay baarlamaanka aqlabiyada codkooda oo xoog iyo xeelad lacageed ama laaluush jago siin lagu milkiyo, wuxuuna meesheedii ka sii waday habraacaas oo weliba meela aad u liidata gaarsiiyey kadib markii loo xoogsheegtay Md Jawaari oo ahaa gudoomiyaha Golaha shacabka (continuity without change).
  8. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay xadgudubka loo geysanayo si loo aamusiyo suxufiyiinta iyo saxaafadda madaxbanaan, siyaasiyiinta madaxbanaan, mucaaradka, iyo xuquuqda rayidka muwaadiniinta ah oo hantidooda iyo xoriyadooda gaboodfal joogto ah uu ku socdey, isaguna meesheedii iyo meel ka daran ayuu ku waday, waxeyna ugu darneyd markii saaxiibkiisa oo ay wada ahaayeen musharixiin mucaarada oo ay kadib ku kala fogaadeen kala aragtiduwanaan uu u maleegey dilqorsheysan in lagu khaarajiyo, laguna aamusiyo mucaaradnimadiisa qayaxan (continuity without change).
  9. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay kooxeysi ka kooban dad yar oo awoodii talada dalka gacmahooda ku soo koobay oo siyaasiyiinta waxgaradka ah intooda kalana ka dhigay dibed joog, isaguna meesheedi ayuu ka sii waday oo koox yar ayey awoodii talada dalka gacmahooda ku kooban tahay, weliba ka sii darane boqortooyo yar sirdoonkeeda ayey talada dalka gacanta ugu sii jirtaa (continuity without change).
  10. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dad aan aqoon lahayn in loo magacaabo darajooyin aysan miisaankooda iyo mudnaantooda lahayn, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey guulwadeynta darajooyinka iyo magacaabista qowsaaro aan wax ku ool badan lahayn, weliba ka sii darane wuxuu qortay caruur aan qaangaar ahayn iyo cirooleyaal ku taageeraya ceebeyn iyo caay ay baraha bulshada loolan ugu sameynayaan ka difaacida mucaaradka (continuity witout change).
  11. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay xaflado lagu xayeysiinayo dowladda iyo heeso lagu amaanayo madaxda, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday hab masraxiyeedka dholatuska loogu sameynayo xaflado lagu taageerayo is qaadqaadka madaxda dowladda, weliba ka sii darane ay ku sii kordhiyeen hirgelinta wadatey maqalka iyo muuqaalka ee la baxay ‘igu sawir” (continuity without change).
  12. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay iyadoo la hayste u ah madaxda xukuumada itobiya oo si qaawan faragelin ugu haysey arrimaha gudaha soomaaliya, isaguna inkasto markii uu musharaxa ahaa shacabka ku dhagray inuu ka soo horjeedo faragelinta itobiya, haddana qiyaanadiisa waxey soo baxday markii uu isbedel lama filaana ku qaatay inuu danahiisa siyaasadeed ee gaarka ah kula walaaloobo Itobiya iyo eriteriya oo ay u soo tababaraan ciidamo beeleedyo uu wax ku caburiyo, taas oo uu halkeedii ka sii waday xoojinta ciidamada itobiya tacadiyada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed (continuity witout change).
  13. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay in jabhadaha xaq u dirika ah ee u dagaalamaya ayokatalintooda loo aqoonsado argagixiso si loogu raali geliyo dowladda Itobiya maslaxadeeda somali-diidka ah, isaguna neesheedii ayuu ka sii wadey, weliba ka sii darane wuxuu ku daray dhiibista muwaadin Soomaaliyeed oo halgan hubeysan la galay Itobiya isagoo difaacaya qaranimada soomaaliyeed oo uu ka tirsanaa mujaahidiinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed dagaalkii 77 (continuity without change).
  14. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay safaro ay madaxdu macno darro ugu baxdo dalka dibadiisa oo hantida yartaa ee dakhli ahaan u soo xarooto dibeda dalxiis loogu aado, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey, weliba in ka badan toban jibaar ayuu kuwii ka horeeyey xawli ka dheereeyey ku dhaafay (continuity without change).
  15. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay mashruucyo lagu xaraashayo kheyraadka hantida qaranka soomaaliyeed, isaguna meesheedii ayuu ka sii waday xaraashka kheyraadka bada iyo kan shidaalka, weliba ka sii darane wakhti qiimaha shidaalka addunka oo dhan uu hoos ugu dhacay si bilaash ku qaadasho la mid ah (continuity without change).
  16. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay ciidamo ka kooban maleeshiyaad beeleed oo meesha ka saaray dhismaha ciidan qaran oo isku dhafa, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday diidmada ciidan qaran oo isku dhafa, weliba ka sii darane wuxuu Gedo ka soo afduubtay carruur aan qaangaar ahayn oo uu Eriteriya u soo tababartay si ay qeyb uga noqdaan ciidamo beeleedyada qaab dowladeed u hawlgelaya (continuity without change).
  17. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay shaqaalaha iyo adeega dowladda iyo deeqaha dibeda ee waxbarashada iyo caafimaadka oo ay sigaara uga manaafacsadaan madaxda iyo qaraabadooda iyo qowsaarada ay ku adeegtaan, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday sii socodsiinta xigaalo iyo xidid iney ku soo koobmaan shaqaalaha dowladda, deeqaha, iyo adeegyada ay dowladu fidiso (continuity without change).
  18. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay boob ay marwooyinka madaxdu ku hayeen fursadaha dhaqaale iyo hantida maguurtada ah oo ay leeyihiin dowladda ama rayidka masaakiinta ah, isaguna wuxuu meesheedi ka sii waday dhaqan raacaas aan xishoodka lahayn ee lagu xalaaleysanayo hantida qaranka, dakhliyada gobolka iyo kuwa degmooyinka qaar, deeqaha dibeda, iyo laaluush ka aruursiga ganacsatada (continuity without change).
  19. Md farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay la dagaalanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo ah koox diimeed ay curiyeen suufiyada gobolada dhexe, kuwaas oo dagaal adag la galay xagjiriinta Al Shabab, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday dagaalkii lagula jirey xukun ka marooqsiga ahaa ee lagu hayey ASWJ (continuity without change).
  20. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey uu ka dhaxlay saraakiil xagjiriina oo heshiis dhexmaray madaxda dowladda qaar ka mida iyo xagjiriinta Al Shabab lagu ogolaaday in lagu dhexmilo ciidamada dowladda, kuwaas oo labada dhinac ujeedooyin kala duwan u kala gudbinaya xiriirintooda, isaguna wuxuu meesheedi ka sii waday dhaqangelinta iskudhafkaas, weliba ka sii darane sarakiishaas xagjiriinta ah waxey si gaara u bartilmaameysteen hayadda sirdoonka oo ay gabi ahaan la wareegeen gacan ku haynteeda (continuity without change).
  21. Md farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay lacagta Soomaaliga oo ah astaanta qaranka oo dalku uusan lahayn adeegsigeeda rasmiga ah, isaguna maqnaashaheeda meesheedi ayuu ka sii wadey oo baahida dadku u qabo lacagtooda marna ma tebin soo sameynteeda, kaba sii darane waxaa la adeegsadaa doollarka Mareykanka oo in badan si faalso ah lagu soo geliyo dalka, manobolina ay ku haystaan shirkadaha sarifka oo ay leeyihiin wadaado (continuity without change).
  22. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay Baasaboorka Soomaaliga oo aan caalamka laga aqoosaneyn, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey, waxaana ka sii daran kadib markii viisooyinka la siiyo madaxda dowladda loo isticmaalo tahriibinta dhalinyarada dalkoodii ka rajo belay (continuity without change).
  23. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dalka oo aan lahayn bangiyo aqoonsi buuxa leh, taasna ay kaliftay in dalka ay ka jirtey dhibaatooyin la xiriirta soo gelinta lacagta qalaad ama kalsoonidarro maalgelineed, taas oo bedelkeeda ay buuxiyeen wadaado burcada oo xawaalooyin fara badan furtay, lacagta dadkana sida ay rabaan ugu takrifala, isaguna wuxuu habdhaqankaas ka sii wadey meesheedi, waxeyna ka sii dartay kadib marka ay ganacsatadaas burcada ah iyo madaxda dowladdu heshiis ku noqdeen canshuur dhaafyo iyo saami-wadaag lagu shirkoobey hantida qaranka (continuity without change).
  24. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dhagaxdhigyo mashaariicyo aan la fulin, isaguna meesheedii ayuu ka sii waday balanqaadyo ku dambeeyey balanfuryo, weliba waxey ugu darneyd markii uu tegey gobolada dhexe oo uu soo dhagax-dhigay mashruucyo aad u fara badan, taas oo soo jiidatey quluubta dadka. Reer Galmudug waa dadka Soomaalida ugu daacadsan oo rumeysta balanta iyo qawlka dadka waaweyn, wuxuuna si daacada ugu duceeyey caaqilka guud ee dhaqanka si kal iyo lab leh, nasiibdarro weli indhihii shacabkaas waxey dib u soo jaleecayaan balanfuryadii uu ku sameeyey (continuity without change).
  25. Md Farmaajo wuxuu dowladdii hore ka dhaxlay dalka oo indheer-garadkiisa lagu bartilmaameysto dilal qorsheysan oo ay fulinayaan xagjiriinta, burcad qaab dembiyeed u abaabulan, jawaasiis u adeegeysa dano shosheeye, iyo sirdoonka dowladda oo qeyb ka ahaa, isaguna wuxuu ka sii wadey meesheedii oo uu gaarsiiyey meel ka daran, waxeyna ugu darneyd kadib markii madaxweyne yaasha hore ee Hassan iyo sheikh Sharif mudo saacad ku dhow hawada beledweyne lagu hayey, ujeedkuna uu ahaa in shil qorsheysan looga taqaluso (continuity without change).
  26. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ahayd xaruun qabileed xigtada lagu qaabilo oo haddana ku mashquulsan la kulanka dadka loo adeegsanayo difaaca iyo ka hortaga xasaradaha siyaasadeed ee dhaawacaya sumcadda madaxda dowladda (downstream damage control groups), meesha loo baahnaa madaxtooyadu iney ku mashquusho dejinta istratejiyada sida joogtada ah loogu hormarinayo horusocodka hawlaha hayadaha dowladda (upstream processes of continuous improvements), isaguna wuxuu meesheedi ka sii wadey abaabulo isdifaac iyo kulano wakhti-dhumisa oo borobagaandooyin naflacaarinimo lagu xayeysiinayo warbaahinta (continuity without change).
  27. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay iyadoo 6dii biloodba la cirdeeyo taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, iyadoo aysan haba yaraatee jirin qorshe qeexan ee hagaya istratejiyada lagu fulinayo hawlgaladooda, isaguna wuxuu meesheedii ka sii wadey habdhaqankaas, kaba sii darane waxey si xun aad ugu liidatey kadib markii taliyaha ciidamada militeriga loo adeegsadey hawlgal booliseed oo si xushmodarro ah, sharciga iyo qawaaniinta dalka u degsana ka baxsan lagula kacay gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Md Jawaari oo si xoog leh xasanaadii iyo xilkiiba looga xayuubiyey (continuity without change).
  28. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay guddi doorasho madaxbanaanidoodu maqaarsaar ahayd, isaguna wuxuu meesheedi ka sii wadey adeegsigooda iyo aamusintooda, iyo iney hoos yimaadaan ku shaqeynta talooyinka madaxtooyada Villa Soomaaliya oo xaafiisyo laga siiyey oo marka loo baahdo madaxda safarada dibeda ku wehliya, kaba sii darane waxaa gudigaas lagu sii cadaadinayaa in awoodooda meesha laga saaro oo doorashada dib loo dhigo (continuity without change).
  29. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dalka oo aan lahayn xisbiyo siyaasadeed oo si rasmiya aqoonsi u leh, taas oo jiritaanka xisbiyo siyaasadeed looga dan lahaa in siyaasadda soomaliya ay ka guurto habka qabaliga ah oo u guurto aragti ku dhisan mabaa’dii siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dad badan oo kala duwan, isaguna wuxuu meesheedii ka sii wadey dibindaabyada looga soo horjeedo Soomaaliya oo yeelata xisbiyo siyaasadeed oo mucaarada, kaba siidarane diiwaangelinta xisbiyada oo la marsiiyo mariin cadaaba iyo shuruudo aan maangal ahayn oo lagu xiro, iyadoo weliba aysan dowladdu siinayn xisbiyada curdanka ah wax taakuleyn ah, islamarkaasna madaxda dowladu ay qorsheyneyso in hantida qaranka iyo awooda qaranka ay ku soo dhistaan xisbi weyne dartiis loo hakinayo doorashada dalka ka dhici lahayd (continuity without change).
  30. Md Farmaajo wuxuu dowladihii ka horeeyey ka dhaxlay gooni goosashada maamulka gobolada waqooyi galbeed oo la baxay Somaliland, wuxuuna si gaara uga dhaxlay dowladii ka horeysey habacsanaan ka jirta wadahadalada u socdey labada dhinac, isaguna wuxuu meeshiisi ka sii waday habsamixumo u socodka wadahadalada labada dhinac, kaba sii darane waxaa dib u soo celinta wadahadalka mudnaanta uu ku siiyey isaraga shaqsiyadeed ee uu la kulmayo madaxda Somaliland inta aysan dhicin doorashada soo socota ee Soomaaliya si uu dhibco ugu kororsado isxayeysiintiisa (continuity without change).
  31. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay dalka oo xiriir wanaagsan la leh Sacuudiga, Imaraadka, iyo dalka Turkiga oo dhamaantood hawlo dibukabasho ku kaalmeynayey dowladda Soomaaliyeed, xirrikii wanaagsanaa ee wadamadaas wuxuu ku bedeley xiriir wanaagsan oo uu la yeeshay boqortooyada yare ee Qatar (unproductive change without continuity).
  32. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay Muqdisho oo aan shacabkeeda la siin qaabkii ay awood-qeybsiga siyaasadeed uga mid noqon lahayeen dowladda dhexe oo ay maamulkooda u madaxbanaanaan lahaayeenn, kuna soo xulan lahayeen metelaadooda ay ku yeelanayaan labada gole ee baarlamaanka soomaaliyeed, isaguna wuxuu meesheedii ka sii wadey duudsiinta xaqa ay shacabka Muqdisho u leeyihiin dhismaha maamul goboleedkooda iyo in si qarsoodiya loo dilo cidii ay ku soo cadaatoo iney arrinkaas ka shaqeyneyso, kaba sii darane wuxuu shuruud uga dhigay in dad dool ku ah degaanka ay wax ku yeeshaan madaxtinimada maamulka iyo wakiilnimada metelaada labada gole (continuity without change).
  33. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay cunaqabateyn hubka oo UNku ay saareen Soomaaliya, taas oo meel ka dhac weyn ku ah madaxbanaanida difaaca qaranimada soomaaliyeed, isaguna wuxuu halkeedii ka sii wadey waxyaabaha sababta u ahaa in cunoqabateynta soomaaliya lagu sii hayo, kaba sii darane hubkii yaraa ee dowladda loogu deeqay wuxuu ku dhamaaday gacmaha xagjiriinta iyo maleeshiyo beeleedyada ku haybta ah madaxda dowladda hogaamineysa (continuity without change).
  34. Md Farmaajo wuxuu dowladihii ka horeeyey ka dhaxlay jiritaanka dhaqanka lamaaneyaal ku lamaansan madaxweyneyaashii dalka oo awooda inta ugu badaneyd iyagu is ka lahaa, tusaale ahaan: Mw Maxamed Siyad Barre(AUN) waxaa ku lamaansanaa Generaal Maxamed Cali Samatar(AUN); Mw Cadbiqasim Salad waxaa ku lamaansanaa kacaanyahanka Maxamed Cabdi Yusuf; MW Sheikh Sharif waxaa ku lamaansanaa Sharif Xassan Sheikh Aden; Md Xassan Sheikh waxaa ku lamaansanaa Farax Cabdulqadir, iyo ugu dambeynta Mw Farmaajo oo uu ku lamaansan yahay Fahad Yasiin. Awoodleyaashaas sida dadban u idmanaa waxey ahaayeen hogaamiyeyaasha rasmiga ah ee taladooda dalka lagu maamulayey ay ka godey, kaaga sii darane ma aysan ahayn kuwa leh aqoon maadiya oo durugsan, waxeyna ahaayeen dhamaantood laangaabyo maangaaban oo aqoongaaba, laakiin waxey ku xeel dheeraayeen falcelinta looga hortagayey waxyeeleynta hogaamiyeyaasha ka sareeya oo ay ka go’doominayeen cid kasta oo ay u arkaan iney isbdel ku keeni karo maskaxdooda go’doonsan (continuity without change).
  35. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay xaruumo dadka rayidka ah lagu jirdilo oo ciidamada kala duwan uu mid kasta u abuurtey xaruumo qarsoodiya, sidoo kalena sirdoonka shisheeyaha waxey Soomaaliya ka sameysteen xabsiyo qarsoodiya oo maxaabiista gudaha iyo dibeda ay kala yimaadaan ku ciqaaban, taas oo aan laga ogoleyn dalalkooda, isaguna wuxuu meesheedii ka sii waday sii socoshada hawlahaas isaga oo weliba iska indhotiray xadagudubyada sii socda ee lagula kacayo shacabka uu masuulka ka yahay iyo magacxumada ay shisheeyuhu u soo jiidayaan sumcada Somaliya (continuity without change).
  36. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, gaar ahaan AMISOM iyo kuwo kale oo aan dalka ku joogin sharci uu ogolaaday Golaha Shacabka, waxeyna shacabka rayidka ah hawlgalada ciidankaas si joogto ah waxyeelo uga soo gaartaa falalkooda arxandarrada ah sida droonada iyo madaafiicda lagu weerarayo xaafadaha iyo tuulooyinka ay dadku degan yihiin, isaguna wuxuu meesheedii ka sii wadey sii socodka hawlgaladaas, kaba sii darane wuxuu dhegaha, indhaha, iyo afkaba ka dabooshay kadib markii ciidamada Itobiya ay si bareera u soo rideen dayaarad rayida oo gargaar u sidey degmada Bardaale (continuity without change).
  37. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay xerada Xalane oo xaruun u noqotay diblomaasiyiinta, sirdoonka, iyo shirkadaha shisheeyaha oo awooda AMISOM inteeda badan la geliyey difaacida xeradaas, taas oo jiritaankeedu halis khatara uu ku yahay xoriyadda shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ah qeyb ka mida dalka oo aysan xukumin dowladda Soomaaliya, madaxda dalkuna aysan soo geli karin idan la’aan, isaguna wuxuu meesheedii ka sii wadey in xaruunta Xalane ay sii noqoto meel gunimada Soomaaliya laga maamulo, madaxdeedana looga soo hanjabo ama handadaad looga soo gudbiyo (continuity without change).
  38. Md Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay Soomaaliya oo magac ahaan ah qaran dunsan (failed state), waxeyna taas dhalisay lacago fara badan oo balaayiin ah in sanad walba lagu yaboohsado magaca dunsan ee Soomaalida oo ururada caalamiga ah hantidaas ay ku helayaan wax u qabadka shacabka saboolka ah oo aysan waxba soo gaarsiineyn, sida ay jecel yihiina ugu dhumiyaan adeegyadooda heerka noloshoodu sareyso, taas oo aysan marnaba dhicin gudaha dalka cid kala xisaabtanta ilaalinta sharciga xushmeynaya adeegyadooda, kana hortegaya xadgudubyadooda, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey boobka ay ku hayaan hantida ay ku soo heleen magaca Soomaalida, weliba ka sii darane wuxuu dalka af libaax u geliyey u qoordhiibista IMF & World Bank oo wadamada saboolka ah ku tuura haadaan ay qoorta ugu geliyaan deymo xad dhaafa oo leh korsaar xooga leh oo ay dabadeed taas sharciyad u siineysa iney dhacaan oo xaraash ku boobaan kheyraadka dalalkaas, wuxuuna magacxumadii oo halkeeda ka sii socota ayuu sumcadxumo cusub u horseedey dalka Soomaaliya (continuity without change).
  39. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay xildhibaanada Somaliland oo Xamar looga qorto si aan waafaqsaneyn xuquuqda shacabka ay xaqa ugu leeyihiin metelaada gobolada waqooyi galbeed, taas oo xildhibaanada ka dhigtay kuwo aan si rasmiya wakil uga noqon karin dadkooda ama aan awoodin la tashiga ay ugu tegi karaan dadweynaha ku nool degaanadooda, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey habraac aan nuxurka metelaada lahayn, kaba sii darane wuxuu xildhibaanadaas ka dhigay lahaysteyaal aan u madaxbanaaneyn go’aanadooda (continuity without change).
  40. Md Farmaajo wuxuu dowladii ka horeysey ka dhaxlay dhaqan kelitalisnimo oo ka soo horjeeda ku dhaqanka sareynta sharciga iyo u sinaantiisa, wuxuuna isagu meesheedi ka sii wadey kutumashada xadgudubka qawaaniinta dalka u degsan iyo dimoqaraadiyenta dowladda dalka, kaba sii darane waxaa aad u soo batay musuqa madaxda iyo kuwa ay keensadaan oo tilaabo ka qaadistoodu noqotay lama taabtaan iyo lama canaantaan, sidoo kale kutakrifalka awoodaha dowlada waa kuwo aan lahayn xeerar xakameeya, qandaraasyada oo aan habraac shariyadeed loo marin, laguna naasnuujiyo xigaalo, xidid, iyo danleyda leh xasanaadka oo isbaheysiga la ah madaxda dowladda, kaba sii darane wuxuu soo kordhiyey xeerarka xakameynaya shirarka siyaasiyiinta ama lagu basaasayo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ama lagu dhimaya xoriyadaha dimoqaraadiyada ay dadku ku dooranayaan madaxdooda (continuity without change).
  41. Mudane Farmaajo wuxuu dowladdii ka horeysey ka dhaxlay waxkaqabasho la’aanta masiibooyinka iyo abaaraha dabeeciga ah oo dalka ka dhaca, sida waxyeelooyinka ka dhasha fatahaada webiyada iyo khasaaraha ay dhaliyaan daadadka ku soo rogmada degaanada qaar xiliyada uu curto roobabka mahigaanka ah ee da’ guga’ ama dabaylaha wata duufaanada oo ka dhaca dhul xeebeedka iyo degaanada ka ag dhow, isaguna meesheedii ayuu ka sii wadey waxkaqabasho la’aanta ka hortaga masiibooyinkaas, kaba sii darane lacagihii loogu deeqay in loogu gargaaro dadka ku waxyeeloobay masiibooyinkaas ayey qeybtooda reebtaan sida iney yihiin qeyb ka mida dhibaneyaasha ay masiibooyinkaas ku dhaceen (continuity without change).
  42. Iwm ….

Hawl socodsiintu joogteynteeda waxey si joogto ah ugu baahan tahay horumarin joogto ah oo lagu turxaan-bixinayo caqabadaha jidgooyada ku ah, waana taas mida dhalineysa in isbedel joogto ah uu dhinac socdo si loo gaaro horumarin leh horusocod. Cadowga horumarka waa joogteynta hawlwadida oo aysan wehlin wax isbedela, oo haddii markasta aad sameysid joogteynta wax aad mar walba sameyso, waxaad adiguna filaneysaa inaad mar kasta heli doontid waxa aad mar walba heli jirtey oo aan naaqus iyo saa’id midna lahayn, waana taas waxa ay doorbiday iney raacdo dowladda Gaasiro ee Mw Farmaajo. Ha ka yaabin inaad hiigsatid horumar haddii aadan ku dhiiran inaad sameysid isbedel xanuun badan oo dhaliya horumar, taasna waxey u baahan tahay inaad si dhaba marka hore aad isbedel ugu sameysid fikirkaaga oo aad ka saartid xabsiga ay geliyeen kuwa lahaystanimada darbiga ugu oodey maankaaga iyo kuwa diidan fiiradaada ka baxsan xayndaabka kugu xeeran. Afar fursadood oo ka dhuntay dowladda Gaasiro dib dambe maamul ahaan ugama soo kaban karto: a)- Dowladda Gaasiro waxey si ka fiirsasho la’aana u eeday hadaladii waxyeelada badnaa oo ay wadaninimada Soomaaliyeed ku waxyeeleeyeen intii ay ka fekerayeen hiilo shaqsiyadeed oo ay ka helaan madaxda Itobiya, waxeyna si lama filaana  ku dhumiyeen fursad qaaliya oo si laablakaca ay uga heleen shacabka Soomaaliyeed oo ku aaminey iney yihiin wadaniyiin aan marna dano gaara u hoos fadhiisaneyn cadaawada Itobiya. b)- Dowladda Gaasiro waxey dhumisay fursado badan oo ay dayacday ka faa’ideysigooda, kuwaas oo ay si fudud ugu haysan kartey taageerada shacabka oo si lama filaana meel sare ugu soo bilaabatay, waxeyna ka faa’iideysan weysey wakhtiyada ku haboonaa ee fursaduhu soo mareen oo ay taladeedu seegtay. Dib u jaleeco oo waxaad fiirisaa sida Mw Farmaajo loogu soo dhaweeyey Muqdisho, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Kismaayo. Waxey ahayd inuu isaguna garab istaaga bulshooyinkaas oo uu ku caawino awoodiisa sidii ay u soo dooran lahayeen madax ay iyagu rabaan oo ay raali ka yihiin, taas oo sii xoogeyn lahayd in abaalkaas ay shacbku u hayaan madaxweynaha ay sare u sii qaado taageeradiisa, bal taas bedelkeeda bulshooyinkaas waxaa awooda dowlada Gaasiro loogu geystey gaboodfal iyo ciqaabid nolosha lagu cadaabo ama cunoqabateyn loogu soo rogo maamuladooda. c)- Dowladda Gaasiro waxaa ka dhacay falal aan tiigsimaad dambe oo ka dabataga lahayn oo inta aan la falin aan si dhaba looga fiirsan waxyeelada ka dhalan karta, falalkaas oo tixgelinxumo awgeed loogu bartilmaameystay hogaamiyeyaashii iyo siyaasiyiintii dalka dowladihiisii hore madaxda ka soo noqday, falfalxumadaas oo noqtay leeb ka dhacay qori oo dabaqabasho dambe aan lahayn, taas oo meesha ka saartay siyaasadihii nabad ku wada xaajoodka, kicisayna ceeryaamo cadawtooyo oo saansaan colaadeed dabada ku wadata. d)- Dowladda Gaasiro waxey haysatey fursad 4 sano ah oo ay ku sameyn kartey isbedel dhaba oo muuqda oo natiijo la arki karo oo horumar waxtar leh ay ku gaari kartey guulo, hadda oo uu wakhtigeedii intiisa badan ka tegey oo haddana uusan tiigsimaad lahayn ayey runto tahay iney u tabaabusheysato sidii ay ugu tilaabsan lahayd iney tagto oo aysan dib dambe u soo noqon, kuna qanacdo wakhtiga ka sii dhamaanaya awgeed inaysan haysan fursad kale oo ay dib ugu dhaqaaqdo si ay fursadihii ay soo dhumisay ay dib ugu soo saxdo.

Dowladda Gaasiro waxey ku mashquushay iney la xifaaltanto ficiladii dowladihii ka horeeyey oo madaxda xukuumadahoodii ay nool yihiin oo weliba si firfircoon ay saamileey siyaasadeed danwadaag ula yihiin dowladda iyo shacabkaba, iyo ururada siyaasadeed ee dalka ka jira. La dagaalankoodii wuxuu baday iney ka mariin habaabaan isbedelkii laga filayey oo ay dantu baday iney raaceen sii waditaanka habraacyadii ay ka tageen xukuumadihii madaxdaas. Dowladda Gaasiro waxey ku qaldantay iney maskaxdeeda dib ugu celiso sixitaanka hawlo bilowgoodu ka horeeyey, laakiin waxey ahayd iney kala qabsadaan dhaliil la’aan meesha ay uga tageen madaxdaas oo ay halkeeda ka sii wadaan, kuna sameeyaan isbedel dhaliya natiijo wanaagsan oo ku dhamaata horumar. Furaha guuldarrada dowladda Gaasiro waxaa sabab u ahaa soo minguurinta ay ku raadraacday fekerkii ahaa qabyo si wadideeda oo ay mucaaradnimo uga soo horjeedey dowladii Qabyo, taasina dhamaadka natiijadeedu waxey ku soo idlaatay iney Qabyadii noqoto gaasiro.

.

.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

Saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

.

.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraa oo kaliya, kamana tarjumeyso tan Qaranimo  Online. Qaranimo Online, waa warbaahin madax banaan una furan muwaadin kasta inuu ku soo gudbin karo ra’yigiisa siyaasadeen iyo kan bulsho. Qaranimo Online ma aqbaleyso mana soo daabaceyso qoraal lagu beegsanaayo shaqsi ama koox si caadifadeysan. Kusoo dir aragtidaada si aad ula wadaagto bulshada ku xiran warbaahinta Qaranimo Online : info@qaranimo.com 

  

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

___________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment