.
Talaado: November 9, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan midnimada xilli dagaalo culus ay ka socdaan dalkaas.
Wuxuu sheegay in dalka uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan. Inkastoo ay dhammaantood isku dayeen inay dib noo celiyaan aynu hore u sii wadno midnimada ayuu yiri.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in daggaal xambaarsan borobogaando iyo been lagu furay dalka Itoobiya,
Maalmahan waxay lahaayeen wuu baxsaday iyo Addis-Ababa ayaa lagu xeerran yahay. Kuwa idin waydiinaya ee leh Raisul Wasaarihii xagguu jiraa? Doontuu saarran yahay ku dhaha. Borobagando waxba nagaga qaadi mahayaan” ayuu yiri Abiy oo wacad ku maray inuu dagaalami doono ilaa daqiiqada u dambeysa.
.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________