2da Maarso, 2021
Wararka ka imaanaya Koofur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay goobtiisa ganacsi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar Xaaji.
Koox burcad ayaa la sheegay in ganacsanaha Soomaaliyeed dhowr xabadood ay uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, halkaasna uu ku geeriyooday, iyagaoo markiiba goobta ka baxsaday.
Waxaa markii danbe goobta uu falku ka dhacay tagay ciidamada Booliiska dalka Koofur Africa kuwaa oo sameeyay baaritaanno la xiriira dilka iyo cidda geystay, laakiin ma jirto cid ay u qabteen Booliiska falka dilka ah.
Koofur Africa ayaa lagu bartilmaameedsadaa ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin dowlad iyo cid kale oo arintaa wax ka qabta.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________