Muqdisho, 17da Maarso, 2021–Saddex sarkaal oo ka tirsan maamulka Wajeer ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa lagu xukumay 3 sano ah oo xarig kadib markii la sheegay inay musuq maasuqeen lacag gaareyso 236,794 milyan oo doolar.
Waxaana saraakiisha ay kaga baaqsan karaan xukunka xarigga ah waa haddii ay bixiyaan ku dhawaad 8,000 oo doolar oo ganaax ah.
Maxkamadda waxay sheegtay inay heshay caddeymo ku aadan kiiska loo heysto raggan.
Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in ay sii wadi doonto baaritaanada dad kale ee lagu helay Musuqa.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________