Muqdisho, 14 September 2015: – Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaaliya, ayaa geli doono fasax bil ah laga billaabo maalinta Arabacada ah bisha September-na ay tahay 16ka. Sidaas waxaa sheegay Xoghayaha Joogtada ee Barlamaanka C/kariin Xaaji Buux mar uu la hadlay saxaafada.
Xoghayaha Joogtada ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Buux, ayaa saxaafadda u sheegay kulanka ay isugu yimaadeen Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka in arimahaasi lagu go’aamiyay.
“Kulanka guddiga joogtada waxaa looga hadlay saddex qoddob oo muhiim ah oo kala ah: mudeynta fasaxa xildhibanada golaha, waxaana la isku raacay in 16-ka bishan uu xirmo kalfadhiga Barlamaanku, dibna uu u furmi doono 15 bisha February 2015, waxaana lasoo gaabiyey fasaxa mudanayaasha oo ahaa labo bil daruufo jira owgeed.”ayuu yiri Mudane C/kariin Buux.
Waxaa kale oo ay gudiyada isku raacaeen in la ballariyo guddiga talo bixinta Higsiga 2016 laguna soo kordhiyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah, maamul goboleedyada, ururada siyaasada ayda oo beesha Caalamka goob jog ka ahaadoonto.
Fasaxa Barlamaanka waxaa dib u dhigay Mooshinki Madaxweynaha laga keenay, balse hada waxad moodaa in arintaas wada hadal iyo is afgarad ku dhamaan-doonto.
.
_________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________