2589 Views

Bangiga Adduunka oo kordhinaya lacagtii uu ku kabi jiray mushaaraadka shaqaalaha

Bangiga Adduunka oo kordhinaya lacagtii uu ku kabi jiray mushaaraadka shaqaalaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 — July –2017– Wararka naga soo gaaraya Bangiga Adduunka, ayaa sheegay inuu kordhinayo lacagtii uu ku kabi jiray mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, xilli jahwareer badan uu ka jiro miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017 oo aad uga yar miisaaniyadii sanadkii hore ee la soo dhaafay.

Wakiilka Bandhigga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda C/llaahi Sh. Cali Qaloocow, iyaga oo ka wada hadlay dar dar gelinta howlaha shaqo ee Bangiga Adduunka ka wado Soomaaliya bilahaan dambe.

Fadhigaan oo daba socday shirar hore ayaa lagu falanqeeyey kordhinta lacagta ay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha oo ahayd $ 700,000 kun bihsii, ayaa hada Bangiga Aduunku go’aamiyey in laga dhigo $ 1,700,000 oo dollar bishii, laga bilaabo bishaan aan ku guda jirno ee July.

Kordhiska kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah, ayaa waxaa ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen Bangiga Aduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo hadii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato gasho.

Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga  ee Dowladda iyo kuwo kale oo la xiriira.

.

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment