Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen tuulooyin hoos-taga degmadaas.
Sida ay sheegayaan wararka duqeynta ayaa ka dambeysay, markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen duleedka Qoryooley.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah iyo qoryaha baasuukaha ee garabka laga rido ay ku rideen saldhigga Ciidamada AMISOM.
Dadka deegaanka Qoryooley ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic culus oo ay ridayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan saldhiggooda.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiic ee AMISOM ku qaadeen tuulooyinka hoos-taga Qoryooley oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________