4746 Views

Macalimuu oo BBCda ka tegay

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 September 2015: Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ahaa Wariyeyaashii in muddo ah u shaqeynayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inuu ka ruqseystay, kadib 10-sano oo uu bahda BBC ka mid ahaa.

Macalimuu oo ah wariye ay aad u jecel yihiin warbixniadiisa Soomaali badan oo kala joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa aad loogu xusuustii wararkii xasaasiga ahaa ee xilliyadii dagaaladaa cuslaa ee Muqdisho ka dhacay sanadihii 2007,2008 iyo 2009.

Mar aan wax ka weydiinay sababta uu uga tagay BBC-da ayuu sheegay inay tahay arrimo isaga u gaar, Macalimuu ayaa ka mid ahaa Wariyeyaashii aas aasay Idaacada FM-ka ee Jowhar oo aheyd idaacada kaliya ee ka howl geli jirtay magaalada Jowhar.

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo barta facebook ee uu leeyahay ku shaaciyayay inuu BBC ka tagay ayaa qoraalkii uu soo dhigay waxaa uu ahaa sidan:-

BBC oo aan Macsalaameeyay

Waxaa sharaf ii ah kadib ku dhawaad toban sano oo aan la shaqeeyay BBC oo ah hey’ad warbaahineed oo caalami ah in aan ugu danbeyn ka ruqseystay. Waxa aan BBCSomali ku soo biiray 14 Juun 2006dii ,maalintii ay Maxkamadihii Islaamigu qabsadeen Jowhar oo Shiikh Shariif oo xilligaa ahaa Gudoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga uu ka qudbeeyay garoonka k/cagta ee degmada Jowhar.

Waxaan Eebe uga Mahad celinayaa in uu iga soo badbaadiyay waqti adag oo aad u dhib badan oo aan ka mid ahaa wariyayaashii ka warrami jiray Muqdisho waliba xilli ay dhibaatada jirtay awgii wariayaal maxalli ah ay dalka ka carareen. Labo jeer ayaan dhaawacmay labada jeerna Eebe waa ii yasiray oo dhaawac fudud ayaa I gaaray. Waxaan u soo joogay xaalado aragagax leh oo aan marnaba ka go’i doonin qalbigeyga.

Xilliga adkaa ee BBC aan la shaqeynayay wax badan ayaan ka bartay ,tababaro badan ayaan ka helay BBC waana uga mahad celinayaa kobcinta xirafadeed ee ay ii sameeyeen ,taa badalkeedana waxa aan aaminsanahay in wax badan aan ku biiriyay intii aan u shaqeynayay kuwaas oo wax ku ool u noqday dhamaan qeybaha BBC World Service.

Moalimuu

Waxa aan la kulmay oo warar iyo wareysiyaba aan ka qaaday Madaxweynayaal ,Raysulwasaarayaal ,Wasiiro iyo Masuuliyiin iyo shacab badan oo Soomaaliyeed ,waxaa sidoo kale ii suuragashay in aan ka mid noqday wariyayaal farakutiris ah oo la shaqeeya warbaahinta reer Galbeedka oo si waji ka waji ah u wareystay ama ula kulmay Hogaamiyayaal iyo Afhayeenno ururada Islamaamiyiinta Soomaaliya sida Alshabaab,Maxkamadihii hore ,Xisul Islaam,Raas-Kaambooni iyo Jabhatu Islaamiya xilliyo kala duwan.

Waxaan rumeysanahay in aan ahaa wariye dhexdhexaad ah ,waxana aan ka soo shaqeeyay oo aan howlo shaqo ka soo fuliyay inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ,Puntland iyo Soomaaliland ,ma jirto habayaraatee hal meel oo aan caqabad kala kulmay soo dhaweyn maahee.

Waxaan u mahadcelianayaa dhamaan Shaqaalihii BBC ee aan isla soo shaqeeyay iyo Tafatiraysshuba oo aan aaminsahay in aan tabi doono kaftankoodii iyo la shaqeyntoodii wanaagsaneyd haddii aay ahaan lahaayeen kuwa London,,Nairobi iyo kuwii aan Soomaaliya iskala shaqeynayay waqti hore iyo ilaa iyo hadda.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhageystayaasha BBC waxaan ka codsanayaa in ay iska keey cafiyaan haddii ay jirto cid aan u gafay ama iga maqlay wax uu si aad ah u dhibsaday ,aadmigu waa daciif ,war goor dhaw dhacay oo aadan goob joog u aheyn waa ay dhici kartaa adigoo ka waramaya in si aan ula kac aheyn aad qalad u sheekto marka laguu sheeko xumeeyo waliba oo aad u dadaalaya .Eeboow hanoo qaban waxii aan halmaanay iyo waxii aan ku gefnay.

Inshallah ,saxaafadda kama dhex bixi doono , saaxiibada iyo taageerayaasheyduba waa wada xiriiri doonaa mar kasta.

Ugu danbeyn , Ma jirtaa warbxin aad iga dhageystay oo ku xiiso galisay ama aadan jecelysan intii aan BBC Soomaaliya uga waramayay , fadlan waxaan jeclaan lahaa inaad halkan igula wadaagto si furan hadii ay ahaan laheyd mid dhow iyo mid fogba?

Kheyr baan idiin dhaafay.

Mohamed Moalimuu

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment