4365 Views

Shacabka reer Muqdisho oo arigti ka dhiibtay ansixinta Golaha Wasiirada

Shacabka reer Muqdisho oo arigti ka dhiibtay ansixinta Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 30, 2017 (QOL) — Shacabka reer Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen Go’aankii 29-kii Bishan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, oo uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Ansixintii Golaha Wasiirada, waxayna Baarlamaanka ku amaaneen go’aanka ay ku dhaqaaqeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen wax badan in ay ka sugayaan Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale sheegay muhiim in ay tahay mar walba in ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

Shacabka reer Muqdisho ayaa sidoo kale Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya waxa ay ka dalbadeen in ay la yimaadaan wax qabad wanaagsan, waxayna ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan arrimaha Abaaraha iyo Amniga.

halkan ka dhagayso 

.

.

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment