3159 Views

Sawiro:-Wasiir Xoosh Oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland

Sawiro:-Wasiir Xoosh Oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland
____________________________________________________________________________

kismaayo   | QOL | 23 Luulyo 2017  —Wafidi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islmaam (Axmed Madoobe).

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga warbixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hogaaminayo ay ku soo gaareen Kismaayo.

“Mudane Madaxweyne marka ugu horeeysa waan kaaga mahadcelinayaa kulankan aad nala yeelatay, marka xigta waxa aan u inimid in madaxda iyo shacabka ku nool deegaanada Jubbaland aan ka tala gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan doneynaa in aan bilaawno Geedi-socodka dib loogu eegayo Dastuurka oo aan ka shaqeyneyno in ka qaybgalkiisu uu noqdo mid loo dhanyahay”.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku ammaanay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay u go’antahay in arin walba oo ku saabsan Dastuurka laga talageliyo dawlad goboleedyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa la kulmay Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeennada, iyo Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo kawada hadlay sidii Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu u noqon lahaa mid lagu galo qorsho diyaarintiisa loo dhanyahay.

Gebagabadii, AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Baarlamaanka Jubbalanad ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

q1 q2 q3 q4 q5 Q11 q12

 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Kismaayo  

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment