2601 Views

Maxkamadda sare ee Somaliland oo dacwadda ku celisay C/Raxman Talyanlle

Maxkamadda sare ee Somaliland oo dacwadda ku celisay C/Raxman Talyanlle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 13, 2017:–Maxkamadda sare ee Maamulka Somaliland ayaa C/Raxmaan Maxamed Talyanlle ku celisay dacwad uu dhawaan ka gudbiyay doorashada guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ee isaga looga badiyay sida guddiga doorashada uu shaaciyay.

Baashe Maxamed Faarax ayey Guddiga doorashada sheegeen in uu helay 39 cod,halka C/Raxmaan Maxamed Talyanlle uu helay 38 cod,waxaana Talyanlle oo hambalyeeyay doorashada kaddib uu sheegay in uusan aqbalin natiijada qofka guuleystayna uu isaga yahay.

Guddiga doorashada ayuu ku eedeeyay in ay isdaba mariyeen natiijada doorashada ka soo baxday isaga oo intaas ku daray in uu isaga yahay guddoonka golaha wakiillada Somaliland.

Intaas kaddib ayuu dacwad u gudbiyay Maxkamadda sare ee Maamulka Somaliland,waxaana Maxkamadda ay kaga jawaabtay in dacwadda uu Talyanlle u gudbiyay Maxkmadda aysan waa faqsaneyn sharciga u yaalla Maamulka Somaliland.

xxx

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment