3228 Views

Muxuu Ka Yiri Cali Khaliif Galeer Dagaalkii Buuhoodle ?

Muxuu Ka Yiri  Cali Khaliif Galeer Dagaalkii Buuhoodle  ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017-Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay dagaalkii xooggana ee shalay Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in maanta lagu dagaallamayo Magaalada Buuhoodle.

Isagoo ku sugnaa goob laga maqlaayay rasaas Xooggan ayuu sheegay  Cali Khaliif in waxa Magaalada isku diriraayo ay yihiin dadkii Khaatumo oo la isku diray.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Khaatuma aysan dani ugu jirin Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ay u kala janjeeraan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in waxgaradka degaanada maamulka Khaatuma laga doonaayo in ay qaataan doorkooda ,islamarkaana ay xaliyaan colaada Magaalada Buuhoodle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment