2316 Views

Kuuriyada Woqooyi oo ka hadashay cunaqabateynta la saaray

Kuuriyada Woqooyi oo ka hadashay cunaqabateynta la saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19, 2017  – Dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa ku hanjabay in cunna qabateyn kale iyo cadaadis dheeraad ah ay ka helayaan awood ay ku sii hormariyaan barnaamijka nukliyerka.

War qoraal oo aad u adkaa ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi kaga hadlay xannibaad cusub oo ay Qaramada Midoobey saartay.

Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay “arrinta ugu xun oo anshaxdaro ah, xadgudubna ku ah aadanaha oo ah ficil cadowtinimo”.

Dhanka kale, Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa gacanka Kuuriya ka fuliyay dhoolatus militari.

Maamulka Pyongyang ayaa riday gantaalkii ugu dambeeyay Jimcihii wuxuuna dulmaray Japan. Gantaalkaas waxaa lagu tilmaamay tijaabadii ugu dheereyd ee Kuuriyada Woqooyi ay sameyso.

Tijaabadaas ka dib Qaramada Midoobey ayaa cunna qabayn dheeraad ah saartay Pyongyang, waxaana loo cambaareeyay si loo dhan yahay. Waxaa lagu tilmaamay “daandaansi”.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ee Kuuriyada Woqooyi waxaa lagu sheegay: “Sare u kaca dhaqdhaqaaqa Mareykanka ee gobolka iyo cunna qabataynta iyo cadaadiska naga dhanka ah wuxuu xoojinayaa xawaaraha uu ku socdo qorsheheena ah in ugu dambeyn aan helno nukliyer.”

Warka ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabataynta cusub ay qayb ka tahay in jilbaha dhulka loo dhigo xukuumadda dalkaas.

Cunaqabataynada cusub ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in shidaalka looga xayiro Kuuriyada Waqooyi, sidoo kalana ciriiri looga galiyo dakhliga ay ka hesho barnaamijkeeda hubka.

Talaabooyinka ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib tijaabii lixaad, uguna xoogga badnayd oo ay samaysay Kuuriyada Waqooyi . Hase yeeshee dadka wax naqdiya ayaa su’aalo ka keenay illaa heerka ay xanuunjin karaan Kuuriyada Waqooyi xili dalkan uu si furfuran ula ganacsanayo adduunka intiisa kale.

.

ISHA BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment