2595 Views

Dowlada Maraykanaka Oo Digniino Siisay Muwaadiniinteed Ku nool Dalka Ethiopia

Dowlada Maraykanaka Oo  Digniino Siisay  Muwaadiniinteed Ku nool Dalka Ethiopia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 February, 2018 —War ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, kuwaas oo ka dhacay dhulka ay ku nool qowmiyada Oromada.

“Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si ku meel gaar ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada” Sidaasi waxaa lagu yiri War qoraal ah oo lagu daabacay Page Safaarada mareykanka.

Sidoo kale Maraykanka ataa waxaa ay muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay in ay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni,maadaama dhibaato kasto ay soo gaari karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku nool dalka Ethiopia.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu R/Wasaarihii dalka  Ethiopia Hailemariam Desalegn uu is casilay, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee looga soo horjeedo dowladda.

Waxaa weli kacsan Xaalada dalka Ethiopia,maadaama laga cabsi qabo in dhibaatooyinka xiligan ka jira ay sii bataan,inkastoo Golaha Wasiirada ee dalka Ethiopia kulan ay yeesheen ku iclaamiyeen in xaalad deg deg lagu soo rogo dalkaasi,Sidaasi waxaa warbaahinta Qaranka ee Dalka Ethiopia ka sheegay Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Dalkaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment