2742 Views

Madaxweynaha Maamulka Galamudug Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Noqday

Madaxweynaha Maamulka Galamudug   Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Noqday
____________________________________________________________________________

muqdisho  | QOL | May  15, 2017 –Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ” Xaaf” ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhawaan ka qeyb galay Shirkii ka dhacay Magaalada London ee Caasimadda Uk.

Madaxweynaha ayaa sheegay in balanqaadyo badan loo sameeyay Soomaaliya Shirkii ka dhacay Magaalada London ,islamarkaana uu rajeynaayo in ay dhaqan galaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu kulamo kala duwan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan Magaalada London.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May, wuxuuna xusay taariikhda dhallinyaradi Soomaaliyeed ee aas aastay ururkii SYL  oo uu tilmaamay in ay nooga tageen dhaxal aan duugoobeeynin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana shirkii ugu horreeyay oo Caalami ah uu uga qeyb galay magaalada London, kaasoo looga hadlaayay Arimaha Soomaaliya.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment