3417 Views

Shir u dhaxeeya AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shir u dhaxeeya AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25 July 2017— Shir ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay ka furmay Xalane, kaas oo socon doona afarta maalmood ee nagu soo aadan. Shirkaan ayaa waxaa loogu gogol xaarayaa sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM, iyo qaababka loo wajahayo xilliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka tagaayso.

Waxaa shirkaan ka  ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka oo asaga ugu murqa kuusanyahay.

Amb. Francisco Madeira,Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, kuwaas oo u dhaxeeya AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga Qaranka.

Bishii April ee an soo dhaafnay, Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaasoo dhigaya dhismaha ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro 2018 ee sannadka soo socda.

Francisco Madiera, ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay isku furi doonaan waddooyinka go’an, isla markaana ay sugi doonaan ammanka doorashada 2021.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaalida loo baahan yahay in la qalabeeyo, lana siiyo hubka ay u baahan yihiin, si ay ammaanka Waddanka ula wareegaan gebi ahaan.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa shir guddoomin doona Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo Reer Jabuti.

Mahad Maxamed Guuleed, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay taageerada AMISOM u fidinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya iyo walaaltinnima ay muujiyeen.

“Waxaan marqaati ka nahay walaalaheena Afrika  sida ay uga jawaabeen baaqeena ahaa xilligii mugdiga aan ku jirnay, sida ay noo caawiyeen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin inuu bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo AMISOM, isagoo xusay inuu aas aas u noqon doono in lagu guuleysto xilliga kala guurka ah oo dhamaantood ay dan guud ugu jirto

Shikaan socda, ayaa waxaa loogu hadli doonaa heshiiskii qaab dhismeedka Amniga ee ay bishii April gaareen Madaxda Soomaaliya iyo fulinta qodobada heshiiskaas ku qornaa ee ku saabsanaa dhismaha ciidamada ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si ay si hab sami ah, awood ugu yeeshaan qaadista mas’uuliyada ammaanka Wadanka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment