3915 Views

Daawo Sawirada :-Shabaab Gaadiid Dagaal Wata Oo iska Dhiibay Magaalada Diinsoor ee G/Baay.

Daawo Sawirada :-Shabaab Gaadiid Dagaal Wata Oo iska Dhiibay Magaalada Diinsoor ee G/Baay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 07, 2017–Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaa oo wata Gaari nuuca ay Soomaalida ay u taqaano Cabdi-bile ah ayaa maanta iska dhiibay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shik-shigow ayaa Idaacadad kulmiye u sheegay Dagaalamayaashaan ay isku soo dhibeen Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Baay laguna wareejin dhawaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo.

“Waxaa is soo dhiibay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab oo gaarayo ilaa 7 Askari ,waxaa ay wataan gaari Cabdi-bile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof iyo hal sarkaal oo wata Ciidankaasi, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada Soomaaliya ” Ayuu yiri guddoomiye Diinsoor.

Xubnahan Shabaab ka tirsan ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo khayaas ahaantii 154-KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan mudooyinkii la soo dhaafay.

x1 x2 x3 x4

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment