2481 Views

Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 21, 2018 – Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Irshaad ee Aragti-isdhaafsiga ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen dood cilmiyeed ku saabsanayd kaalinta Dastuurka ee nidaaminta nolosha bulshada.

Doodda waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaanno, Culamada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Xubnihii masraxa saarnaa ee ka soo qaybgalayaasha u iftiiminayay mowduucca waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Cali Wajiis iyagoo ka jawaabayay su’aallo ay waydiiynayeen ka qaybgalayaasha.

Wasiir Xuseen Cabdi Cilmi oo furay doodda ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka qaybqaadan doonto kulamada noocan ah.

“Waxaan marka hore bogaadinayaa Xarunta Irshaad oo dooddan agaasinkeeda kaalin wayn ka qaadatay waanan ku dhiirigelineynaa in ay joogteeyaan doodaha ceynkan oo kale ah; Wasaaradda marwalba waxay diyaar u tahay ka qaybqaadashada doodaha quseeya arrimaha Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka.

Ugu dambayn, qabashada dood cilmiyeedkan ayaa bilow u ah doodo ay Wasaaradda qaban doonto oo shacabka Soomaaliyeed u sahli doonta in ay waxbadan ka ogaadaan arrimaha Dastuurka.

doos-cilmiyeed-dastuurka-5 doos-cilmiyeed-dastuurka-4 doos-cilmiyeed-dastuurka-3 doos-cilmiyeed-dastuurka-2 doos-cilmiyeed-dastuurka-1

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment