Mogadisho –January 1, 2020Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Calki Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahluusnna Macalin Maxamuud,kaas oo looga hadlay Arrimo la xiriira dhismaha Galmudug.
Labada dhinac ayaa waxaa ay siweyn u lafa gureyn arrin ku saabsan 20 Xildhibaan ee la siiyey ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ay culeys weyn ku heysay,balse laga heshiiyey.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la isla gartay qodobo ay kamid yihiin in 20-ka Xildhibaan codkooda siiyaan Musharaxa dowladu wadato taas badalkeedna Dowladu fududeyn doonto in Ahlusunna hesho gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.
Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Guddaha iyo xildhibaanada Galmudug ka soo jeeda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa Ra’iisul Wasaaraha la qaatey kulan looga arinsadey sidii beelaha looga dhaadhicin lahaa in ay joojiyaan cabashada ay ka muujiyeen Xildhibaanada Ahlusunna soo xushey.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________