2466 Views

Wasiir Katirsan Golaha Wasiirada oo maanta hortagaya Baarlamaanka

Wasiir Katirsan Golaha Wasiirada oo maanta hortagaya  Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2017–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta hortagaya Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Todobaadki hore ayay ahayd markii Mooshin u yeerid ah laga hor aqriyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay ku saxiixnaayeen Xildhibaano gaaraya 10.

Mooshinkaasi ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka arrimaha dastuurka uu hor yimaado baarlamaanka si su’aalo loogu weydiiyo ka hor imaashihiisa go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee qaraarka sugidda Xilheynta Xubnaha Golaha Shacabka iyo buuxinta kuraasta golaha ka banaanaata.

Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka loogu yeerayo wasiirka Dastuurka u gudbiyay guddoonka ayaa sheegay Wasiir Xoosh uu ka soo horjeestay go’aan baarlamaani ah.

Ujeedada ugu wayn ee Wasiir Xoosh Jabriil loogu yeeraayo ayaa la xiriirta in uu ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka Somaliya ay ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa Bogga Twitterka uu ku leeyahay ku soo qoray hadal kooban oo uu ku sheegay in sharcidaro tahay Baarlamaanka inay ka soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.

Wasiirka ayaa Maanta lagu Wadaa in Xildhibaanada ay su’aalo ka weydiiyaan sababta uu ugu soo horjeestay go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Dalka ayaa taageeray go’aanka soo baxay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment