8922 Views

Taariikh kooban Taliya Ciidanka Xoogga Dalka – General Gorod

Taariikh kooban Taliya Ciidanka Xoogga Dalka – General Gorod
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 12, 2017 – Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay Magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii. Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho.

General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii. Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii waxuuna waxbarashada luuqada ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti. 1977-dii waxauu duulimaadka diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee dalka Ruushka .

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah. Waxaana la geeyey xerada ciidanka cirka ee Balidoogle. 1980-kii waxa uu qaaday xidigii labaad waxaana loo badalay xeradii ciidanka cirka ee duleedka Kismaayo halkaasoo uu ku bartay duulimaadyada diyaaradaha xamuulka ciidanka.

1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo Talyaaniga lagu farsameeyo.
1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo. Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday gaashaanle sare. Isagoo gaashaanle sare ah ayayna burburtay dowladii dhexe.

Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.

Jeneraalka waxuu dhalay sided caruur. Waxuuna degan yahay magaaladda London.

.

Xigasho : Nasra Bashiir Cali

.

.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment